Hogaanka Al-Qaacida oo war kasoo saaray Gabdho Maxaabiis ah oo kujira gacanta dowladda Pakistaan.( Akhriso).

Saxaab

Bayaan lagu baahiyay baraha Internetka islaamrkaana kasoo baxay hogaanka Mujaahidiinta Al-Qaacida ayaa waxaa lagu iclaamiyay Gabdho Maxaabiis Mujaahidiin ah oo ay afduubteen ciidamada dowladda Paakistaan oo xamlo dagaaleed ka dhan ah diinta Islaamka ku qaaday gobolka Waziiristaan muda kabadan hal sano iyo Bar.

Mujaahidiinta ayaa sheegay in ciidamada dowladda Pakistaan oo awaamiir ka helaya dowladda Maraykanka ay xabsiga dhigeen Gabdhahan iyo caruurtooda oo ka baxayay Waziiristaan duqeymaha awgeed islamarkaana doonayay in meelo kale oo ka amaan badan halka duqeymuhu ka socdeen ay degaan.

Isku dayo dhowr ah oo lagu doonayay in lagu soo daayo Gabdhahan Muhaajiraadka ah ayaana suura galin, waxaana Mujaahidiintu ay dusha ka saareen dowladda Pakistaan Tasarufaadkan jariimada ah ee ay ku kacayaan ciidamada Pakistaan.

Gabdhaha la xiray oo dhamaantooda ay ka shahiideen rag isugu jira Hogaamiyaal iyo Mujaahidiin katirsan Al-Qaacida ayaa labo kamid ah waxaa dhalay Sheekh Ayman Adh-dhawaahiri amiirka guud ee Mujaahidiinta Al-Qaacida, waxaana lagu kala magacaabaa Gabdhaha xiran:

1-Sumaya Marjaan oo uu ka shahiiday Mujaahid lagu magacaabo Cadnaan Shaakir Jumca.

2- Faaduma Ayman Adh-dhawaahiri oo uu ka shiiday walaal lagu magacaabo Abii Basiir Al-Urduni, waxaa lala xiray caruurteeda oo gaaraya 7 qof.

Gabdha sadexaad ee u xiran iyada iyo ilmaheeda dowladda Paakistaan waxaa lagu magacaabaa Umeyma Ayman Adh-dhawaahiri waxaana ka shahiiday hogaamiyihii caanka ahaa ee Abii Dujaana Al-Baasha, waxaa lala xiray Caruurteeda oo tiro ahaan gaaraya 5 Caruur ah.

Sheekh Ayman Adh-dhawaahiri hogaamiyaha Mujaahidiinta ayaa la kulmay Ibtilaa’aad aan lasoo koobi karin oo dhan waliba ah, waxaana uu Alalh ku arzaaqay samir iyo Thabaat, waxaana la xusuustaa in duqeyn diyaaradeed oo dhacday billowgii duulaankii Maraykanka ee Afqaanistaan uu ku waayay tiro kamid ah ahalkiisa.

Iyado ay sidaas tahay ayaa hadana dad sheegta iney Mujaahidiin yihiin waxay habeen iyo maalinba Aflagaado iyo meel ku dhac u geystaan Sheekh Ayman Adh-dhawaahiri oo zamanka hadda la joogo ay naadir tahay in la helo qof isagu lamid ah marka laga eego dhanka Saabiqada iyo maraaxisha ad adag ee uu lasoo maray Jihaadka maanta bulllaalaya, waxaana meel ka dhacyadaas kamid ah iney Sheekha ku tilmaameen inuu inxiraafay.

Halkan ka Akhriso bayaanka ay soo saartay Mu’assasada As-saxaab.

 

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.