Hogaanka guud ee Al-Qaacida oo ugu baaqday Mujaahidiinta Shaam iney dhistaan dowlad Islaami ah.
Kalimad maqal ah oo ay baahisay Mu’assasada Manaaratul Baydaa islamarkaana uu jeedinayo ku xigeenka hogaamiyaha guud ee Alqaacida Sheekh Axmed Xasan Abil Khayr ayaa goordhaweyd lagu baahiyay baraha Internetka.
Kalimadda oo socoenysa qadar 6 daqiiqo iyo Seconno ayuu hogaamiyahan waxa uu sheegay in ay noolyihiin xilli Jihaad islamarkaana uu Allah ku dulleeyay Dhawaaqiida gacmaha dadka Muslimiinta kuwaas oo ku kacay madaxweyntii ka talineysay dhulalka Islaamka.
Hogaamiye Sheekh Axmed Xasan Abi Khayr ayaa soo hadla qaaday xaaladda ka taagan dhulka Shaam, iyo waxyaabaha uu Allah ku manneystay Mujaahidiinta ka jihaada dhulkaas barakeysan, waxaana farriimo muhiim ah uu u jeediyay guud ahaan Mujaahidiinta Suuriya gaar ahaan Jabhadda Al-Nusra.
“ markii aan ka diraaseynay Xaaladda Shaam dhinacyada Caskariga iyo Siyaasadda, islamarkaana aan eegnay Taxadiyaadka iyadoo intaas oo dhan ay la jiraan dhibaatada ay ku noolyihiin Reer Shaam ee ah dil iyo barakcin, waxaan go’aansanay inaan bixino Juhdi kasta oo lagu xifdin karo Jihaadka Shaam inuu sii ahaado mid Raashid ah oo toosan, islamarkaana aannu uga fogeyno dhamaan Marmarsiyooyinka dhalanteedka ah, kuwaas oo Cadowgeena uu sameynayo sidii Mujaahidiinta iyo xaadiinadooda Shacabiga ah u dhex gali lahaa …..iyadoo la eegayo waxaas oo dhan kana jaan qaadaya Mas’uuliyadeyda waxaan u jeedineynaa hogaanka Jabhadda Al-Nusra iney horey ugu socdaan wixii lagu xifdin karo Maslaxadda islaamka iyo Muslimiinta islamarkaana lagu ilaalin karo Jihaadka Shaam, waxaana ku boorineynaa iney qaadaan tallaabooyinka Munaasabka ku ah arinkaas”. Ayuu yiri Sheekh Abil Khayr ku xigeenka Amiirka guud ee Al-Qaacida Sheekh Ayman Adh-dhawaahiri.
Mar uu la hadlayay guud ahaan Jamaacaadka Jihaadiga ee dhulka Shaam waxa uu ugu baaqay iney midoobaan islamarkaana dhisaan dowlad Islaami ah oo ay ku mideysanyihiin, waxaana uu sheegay in haddii taas la helo Al-Qaacida ay garab taagantahay islamarkaana soo dhaweyneyso dowladaas Islaamiga ah.
Waa markii ugu horreysay oo Hogaamiyahan Abil Khayr kasoo muuqda Saaxada iclaamka, waxaana muuqaneysa in Al-Qaacida ay juhdi weyn oo ballaaran gelineyso Jihaadka Shaam oo haddii uu guuleysto Inshaa’Allah kan Caalamka kale ka socoda uu guuleysanayo mandiqadda xasaasiga ah ee ay ku taallo awgeed.