Indheer garad ka digay xeerka Jinsiga ee dowladda federaalka ahu meel marisay.
Dhawaanahaan waxaa si weyn loo hadal hayay xeer golaha wasiirada dowladda federalaka ahu meel mariyeen oo ay ku jirtay in raggu wax iska raadiyaan dumarkuna sidaa soo kale ku kacaan arintaa oo umadda soomaaliyeed ee muslimiinta ah aad uga xumaatay.
Hadaba waxaa isi soo taraya dadka ku baraarugaya waxa dowladda federaalka ahu ugu xil saaran tahay shisheeyaha markii horeba danihiisa in ay fuliso u aas aasay.
Maxameed Jimcaale Kkayre oo oo ka mid ah indheer garadka soomaaliyeed ayaa nagu soo booqday xarunta Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan waxaanuu muujiyay sida uu arintaa uga soo horjeedo.
Wuxuu sheegay in asigu uu go’aansaday in uu la dagaalamo kuwa ficilkaa foosha xun in ay dalka ka dhaqan geliyaan raba iyo kuwii u soo wakiishay intaba.
Dadka soomaaliyeed ee danahooda gaarka ah ku mashquulsan ayuu dul dhigay su’aalo adag oo muhiim ah.