Japan oo marti geliyay weerar dhiig badan ku daatay.
Wararka ka imaanaya dalka Japan ayaa sheegaya in qof ku hubeysan Mindi uu weerar ku qaaday xarun lagu xananaeeyo dadka Curyaanka ah oo ku taalla meel u dhow magaalada Tokiyo caasimadda wadankaas.
Qofka oo ku hubeysnaa Mindiyo ayaa gudaha u galay xarunta waxaana uu bilaabay inuu laayo dadkii halkaas ku sugnaa oo Curyaamiin ahaa, isagoona halkaas ku dilay 19 ruux, halka wax kabadan 40 ruuxna uu dhaawacay.
Booliiska ayaa sheegay inuu isku soo dhiibay qofka weerarka fuliyay kaas oo sheegay inuu doonayo in Aduunka uu ka dhameeyo dadka Curyaamiinta ah.
Lama oga waxa ku kallifay qofkan fulinta Weerarkan, walina booliiska Japan wax war ah kama soo saarin weerarkan.
Maalmihii ugu dambeeyey waxaa kusoo badanayay dalalka Yurubta weerarada lala beegsnayo dadka Reer Yurub oo dowladahooda ku taageeraya duullanada ay ku qaadeen dalalka Islaamka.