Jarmalka oo lagu dilay Dad aad u farabadan.

Jarmal

Gelinkii dambe ee maalintii shalay oo Jimco ahayd waxa magaalada Munich ka dhacay weerar xoogan oo lagu qaaday xarun ganacsi iyo Maqaaxi laga helo cunnooyinka fud fudud, kaas oo uu fuliyay ruux Muslim ah.

Ninka weerarka fuliyay oo aad u hubeysnaa ayaa rasaas waxa uu ooda kaga qaaday dadka ka dukaameysanaya xarunta ganacsi ee uu weeraray, waxaana dagaal muda saacado ah qaatay la galay ciidamo kumanaan gaaraya oo katirsan qaybaha kala duwan ee dowladda Jarmalka.

Weerarka oo soo idlaaday aroornimadii hore ee saaka waxaa ku dhintay sida Booliiska dalkaas uu sheegay 10 Ruux halka 16 kale ay dhaawcmeen waxaana ku jira dhaawacyada kuwa xaaladooda ay aad u liidato.

Booliiska Jarmalka ayaa sheegay in weerarka uu fuliyay qof 18 jir ah islamarkaana kasoo jeeda dalka Iiraan balse heysta dhalashada dalka Jarmalka, waxaana intaa uu ku daray Booliisku iney socdaan baaritaanno dheeraad ah oo lagu ogaanayo sababta ku qasabtay wiilkan inuu fuliyo weerarkna dhiiga badan uga daatay Xukuumadda Jarmalka.

Ruuxa weerarka fuliyay ayaa markii dambe halkaas ku dhintay kadib markii ay haleeshay Rasaasta Booliiska waxaana xusid mudan in uu Booliiska la galay dagaal waqti badan qaatay, iyadoona intii dagaalkaas uu socday la hakiyay guud ahanaba dhaq-dhaqaaqa dadka iyo Gaadiidka noocyadooda kla duwan.

Todobaad kahor ayay ahayd markii Mujaahid kaligii duule ah uu weerar uu adeegsaday Faas ku qaaday Tareen ay saarnaayeen dad Jarmal ah, waxaana uu halkaas ku dhaawacay inkabadan 20 ruux, isagoona daqiiqado kadib goobta ku shahiiday kadib markii ay ku dhacday rasaas ay kurideen ciidamada Booliiska.

Weerarada Kaligii duulnimada ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey kusoo badanayay dalalka Yurub, waxaana muuqata iney kaceen dhalinyarada Muslimiinta kuwaas oo beegsanaya muwaadiniinta Reer galbeedka ee dowladahooda ku garab taagan dagaalka ay kaga jiraan dalalka Islaamka.

You might also like
1 Comment
  1. sharmake Maxamud as-salafiyi says

    uyub waa xiligii ay kalaba gaari lahayd islaam kuna uu gaarilahaa

Leave A Reply

Your email address will not be published.