Kamiin Ciidamada Maraykanka loogu dhigay gudaha dalka Maraykanka.

Shoting

Maalmihii aynu soo dhaafnay waxa uu dalka Maraykanku ahaa saaxo dagaal oo ay isku fara saareen Booliiska Cunuriyiinta ah ee kasoo jeeda cadaanka Maraykanka iyo dadka madowga ah oo ka sheeganaya dulmiga iyo gardarada joogtada ah ee ay kala kulmayaan dowladda dalkaas maamusha.

Magaalada Dallas ayaa ahayd tan ugu dhiig daadashada badan, waxaana lagu dilay 5 kamid ah Saraakiisha ciidamada Booliiska, kadib markii uu soo shiishay nin madow ah oo horey uga mid ahaa ciidamada Maraykanka, islamarkaana intii u dhexeysay sanadihii 2013 iyo 2014 kasoo shaqeeyay dalka Afqaanistaan.

Arinta xiisaha badan ayaa ah in la arkayo Ciidamada Maraykanka oo aad u cabsanaya islamarkaana ku gambayana derbiyada, halka kuwa madowguna ay iyagoo aad u qaylinaya ay banaan baxyo waaweyn ka dhigayaan gobollo kala duwan oo katirsan dalkaas, waxaase jira kuwa hubeysan oo madow ah islamarkaana fooda gelinaya Ciidamada Maraykanka.

Gobollada Mizoria iyo Jorjiya ee dalka Maraykanka waxaa ka dhacay kamaa’in loo dhigay ciidamada Booliiska, waxaana Saraakiisha booliisku qirteen in waxyeelo ay kasoo gaartay kamaa’intaas inkastoo ay ka gaabsadeen.

Sidoo kale nin madow ah ayaa gobolka Tennesse waxa uu weerar ku qaaday hotel weyn oo ay ku sugnaayeen dad cadaan ah, waxaana uu halkaas ku dilay haweeney, isagoona dhaawacay Sarkaal katirsan ciidamada Booliiska, madaxda gobolkaas ayaana weerarkaas ku tilmaamay mid la xiriiriya kii Dallas ee lagu laayay Saraakiisha Maraykanka.

Dad madowga ah ayaa aad u careysan waxaana ay banaan baxyo waaweyn ka dhigayaan magaalooyin iyo gobollo kala duwan oo katirsan Maraykanka, iyagoona diidan gebi ahaanba sida ay booliisku ula dhaqmaan dadka madowga ah.

Carada dadkan ayaa timid kadib markii Booliiska Maraykanka uu magaalada Dallas ku dilay nin madow ah, waxaana Internetka lagu baahiyay Muuqaalka Booliiska oo xabad la dhacaya ninkan madowga ah isagoo gacma maran, waxaana markaas kadib ay sheegeen iney uga shakiyeen inuu hub sitay.

Wixii dilkaas ka dambeeyay ayaa waxa uu dalka Maraykanku galay qalaan qal iyo xaalad kacsanaan ah, waxaana la ogayn inta ay sii socon doonto xaaladan.

Obama ayaa la filayaa inuu kasoo tago Warso soona gaaro dalka Maraykanka, islamarkaana uu booqdo gobollada ay iska hor imaadyadu kasocdaan, waxaana uu amray in la dejiyo calanka Maraykanka islamarkaana shan maalmood oo xiriir ah loo baroor diiqo Saraakiishii lagu laayay Dallas, isagoona soo hadal qaadin dadkiisa madowga ah ee la laayay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.