Kooxihii Afgembiga Turkiga waxay rabeen iney dilaan ama soo qabtaan Ordogan.!
Markii ugu horreysay tan iyo markii uu fashilmay isku daygii lagu doonayay in lagu Afgembiyo Xukuumadda Turkiga ayaa waxaa la helay Farriimihii ay is dhaafsadeen hogaamiyaasha hor kacayay Afgembiga fashilmay ee dalka Turkiga.
Farriimahan oo ay Saraakiisha Afgembigu isku dhaafsadeen Aaladda Whatsupp-ka ayaa muujinaya sida ay Saraakiishu isugu gudbinayeen Awaamiirta, waxaana qorshahoodu uu ahaa in xaalad deg deg ah la geliyo dalka Turkiga islamarkaana lagu dhawaaqo gudoomiyaal qabta talada gobollada kala duwan dalka Turkiga.
Awaamiirta ugu daran ee aadka loo hadal hayo waxaa kamid ah in la qorsheeyey in saddex Diyuuradood oo nooca dagaalka ah lagu weeraro hotel uu degnaa Rajab Dhayib Ordogan si loo soo qabto isagoo nool ama gebi ahaanba looga takhaluso.
Sida ku cad Fariimahan ay is dhaafsadeen hogaamiyaasha Afgembiga waxay ballantu ahayd in Afgembiga la bilaabo saddexda Subaxnimo waqtiga Turkiga balse arin aan la ogeyn ayaa soo dedejisay taas oo keentay in Afgembiga la bilaabo xilli dambe, waxaana markaas kooxaha Afgembigu kusoo yaaceen magaalooyinka Ankara, Istanbuul iyagoona la wareegay Tvga ku hadla afka Xukuumadda kuna qasbay in laga akhriyo bayaanka lagu iclaaminayo Afgembiga.
Shacabka Turkida gaar ahaan kuwa taageersan Ordogan iyo Xisbigiisa ayaa wali u dabaal degaya guushii ay ka gaareen ka hortaga Afgembiga, waxaana meelaha qaar lagu arkayay Ordogan oo ilmeynaya.