Kudhowaad 100 Ruux oo lagu dilay weerar ka dhacay dalka Faransiiska.

Faransiiska

Weerar kii ugu dhiig daadashada badnaa dhanka Faransiiska dhowr bilood gudahood ayaa gelinkii dambe ee maalintii shalay waxa uu ka dhacay magaalada Niis ee dhacda koonfurta dalka Faransiiska.

Qof darawal ah islamarkaana kaxeynayay Gawaarida nooca xamuulka qaada ah ayaa jeeray goob lagu dalxiiso oo dad farabadan ay ku sugnaayeen, waxaana uu halkaas ku dilay tobanaan ruux oo Faransiis ah.

Xilliga uu ninkan jiirayay dadkan Faransiiska ayaa waxaa socday dabaal degyo ku aadan ciida wadaniga ah ee Faransiisku dhigtaan, waxaana goobta isugu yimid boqolaal dad ah kuwaas oo damaashaadayay.

Wariye ku sugnaa goobta islamarkaana kasoo bad-baaday weerarka ayaa sheegay inuu arkayay darawalka oo si ula kac ah u jiiraya dadka islamarkaana ay dadku aad u qaylinayaan, waxaana uu sheegay inuu jiro dhismooyin soo dumay.

Madaxweynaha Faransiiska Fraceo holland ayaa sheegay inaan la inkiri karin in weerarkan uu wato calaamadaha uu ku sheegay iney muujinayaan inuu yahay weerar Argagixiso waxaana uu Islaamku dusha kaga tuuray mas’uuliyadda Weerarkan.

Khdubad uu ka jeediyay Tvga dalkaas ayuu ku sheegay Holland iney ku dhintaan weerarka 77 ruux, balse waxyar kadib ayaa mid kamid ah wasiirada Faransiiska waxa uu sheegay in dhimashadu ay mareyso 80 ruux.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga xamuulka ah uu waday hub farabadan, lamana oga in weerarku ahaa mid Nafhurnimo iyo in kale, waxaana markii dambe ay Booliiska Faransiisku ku guuleysteen iney dilaan darawalka gaariga Xamuulka ah.

Dowaladaha Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa cambaarayay weerarkan, waxaana ay ballan qaadeen in Faransiisku ka saacidi doonaan wax waliba oo ay u baahanyihiin.

Wali majirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, Xukuumadda Faransiiskuna waxay kaliya sheegtay in weerarku yahay mid Argagaixso balse faafaahin intaas kabadan masoo saarin.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.