Maamulka Islaamiga Ah Ee Sh/hoose oo Dowro Usoo Xiray Ducaada Gobolka. (Dhageyso)

11_03_1213314464441Maamulka islaamiga ah ee Sh/hoose ayaadowro diini ah usoo xiray ducaad da’yar ah oo ka kala timid degmooyinka iyo degaanada wilaayada, si kor loogu qaado aqoontooda diineed ee la xiriirta wax baridda bulshada.

Ducaaddan oo tiradoodu gaareyso 48 ayaa muddo sadax bilood ah qaadanayay duruus kala duwan oo ay bixinayeen qaar kamid ah culimada diinta islaamka, waxaana tababarka loo soo xiray iyagoo wax badan kororsaday.

Munaasabadda xeritaanka dowrada ayaa waxaa ka qeyb galay mashaa’ikh dhowr ah oo uu kamid yahay Sheekh Jaamac Aadan, waxaana ay halkaasi ka jeediyeen hadallo waano iyo dardaaran u badnaa.

Halkan Ka Dhageyso Sheekh Jaamac Aadan

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.