Maamulka Yahuudda oo bilaabay burburinta guryaha Muslimiiinta.
Maamulka Yahuudda ee xooga ku heysta dhulka Muslimiinta Filastiin ayaa lasoo baxay siyaasad cadowtooyo oo aad u xun taas oo ah in cidii uu ku hubsado iney kasoo horjeedo Yahuudda ama uu fuliyay weerar kaligii duulnimo ah ay dumiyaan gebi ahaanba gurigiisa.
Gelinkii dambe ee maalintii shalay ayaa ciidamo aad u farabadan oo katirsan Yahuudda waxay weerar ku qaadeen deegaan lagu magacaabo Sooriif oo u dhow magaalada Al-Khaliil, halkaas oo ay ku dumiyeen guri ay leeyihiin dad Muslimiin Filastiiniyiin ah.
Ciidamda oo isku hareerayay guriga ayaa sheegayay inuu ku jiro qof ay ku eedayeen inuu horay u dilay Muwaadin Yahuudi ah, waxaana iyago isticmaalaya Microofanada codka dheer ay ka dalbanayaan qofkaas inuu isasoo dhiibo balse waxaa jawaab looga dhigay rasaas nool nool oo kasoo dhacday dhanka Guriga.
Saacado ay ciidamadu ku hareereysanaayeen Guriga waxay markii dambe la dhaceen baalootooyinka qoriga RBG-g, waxaana intaas kadib guriga cagta mariyay mid kamid ah baabuurta Cagaf cagafta loo yaqaano oo guud ahaanba dhulka dhigtay Guriga.
Sida uu sheegayo Tvga ku hadla Afka carabiga ee Aljazeera waxaa halkaas ku shahiiday hal ruux, halka ay ku dhaawacmeen illa shan ruux oo kale, waxaana guud ahaanba hakad ku jir dhaq-dhaqaaqa deegaanka Sooriif ee hoos yimaada magaalada Al-Khaliil ee dalka Suuriya.
Tan iyo Octobar sanadkii hore ee 2015 waxaa dhulka Muslimiinta ee Filastiin uu marti gelinayaa weeraro kaligii duulnimo oo dhalinyarada reer Filastiin ay kula kacayaan Yahuudda noocyadooda kala duwan ee dhulkooda heysta, waxaana taa caksigeeda ay Yahuudu adeegsanayaan tacadiyaad fool xun oo ay kamid tahay iney burburiyaan guryaha dadka Muslimiinta waana qorshe lagu dooonayo in dadka looga barakaciyo dhulkooda.