Mas’uul DF Ka Tirsan oo Sheegay In Ciidamadooda Iyo Kuwa Itoobiya Ku Go’doonsan Yihiin Gedo. (Dhageyso)

buurdhuuboCiidamada Xabashida Itoobiya iyo kuwa DF ee ku sugan Gedo ayaa wajahaya go’doomin aad u adag kadib markii wadooyinka oo dhan ay isku fidiyeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Xuseyn Cabdi Haaruun oo ah gudoomiye ku xigeenka degmada Buurdhuubo ee gobolkaas ayaa inoo sheegay iney ku nool yihiin xaalad adag oo dhanka nolosha ah, isagoo ka dhawaajiyay inaaney jirin wax wado ah oo uu saadku usoo maro.

“Wadooyinka oo dhan waxaa naga xayiray nimankii Al-Shabaab ahaa mana jiro wax saad ah oo dhulka noo soo mara marka laga reebo raashin si dhuumaaleysi ah mararka qaar noogu yimaada, laakin annaga iyo ciidamada Itoobiya waxaan ku nool nahay raashin diyaarado naloogu keeno” ayuu yiri’ Xuseyn Cabdi Haaruun.

Halkan Ka Dhageyso Xuseyn Cabdi Haaruun

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.