Maxaa lagu Micney karaa warka Kenya ee ah in dhaqaale gelinta ciidamada shisheeye nabada gobalku ku xiran tahay?
Dowladda Kenya ayaa xarunta waxa loogu yeero qaramada midoobay ka sheegtay in loo baahan yahay in midowga yurub soo celiyo dhaqaalihii uu ka jaray ciidamada shisheeye ee soomaaliya jooga in kastoo dhaqaalahaas laga jaray boqolkiba labaatan oo keliya.
Waxay intaa ku dartay in nabadda gobalku ku xiran tahay in dhaqaalahaas dib loo bilaabo.
Aqoon yahan cabdulqaadir cali yaroow ayaa sheegaya in sababta midowga yurub qarashka ugu bixinayo ciidamada shisheeye ee soomaaliya kus oo duulay ay tahay in ay nabadda ka ilaaliyaan warka kenyaana uu yahay haddii aad dhaqaalaha naga jartaan anaguna waxaanu fasaxaynaa oo aan ka hor wareegeynaa nabaddii aanu soomaalidan u diidaneyn.
Sidoo kale aqoon yahanku wuxuu ka waramay dalka Burundi oo la sheegay in la geynayo ciidamo nabad ilaalin ah xilli ciidamado dalkaas ka socda soomaaliya duulaan ku joogaan dadka caalamka ku noolna laga dhaadhicinayo in ay nabad ilaalinayaan