Rasaas ka dhacday gobolka Texas oo dad ay ku dhinteen.
Sida ay sheegeen Booliiska gobolka Texas ee dalka Maraykanka qof hubeysan ayaa Rasaas ooda uga qaaday dad marayay bartamaha magaalada Osten oo ah caasimadda gobolkaas, waxaana jira khasaare dhimasho oo gaaray dadka goobta ku sugnaa.
Booliiska ayaa bartooda Twitterka waxay ku sheegeen in qofka hubeysan uu wali wado Rasaaseynta, iyagoona ugu baaqay in dadka Maraykanka iska ilaaliyaan bartamaha magaalada oo ah goobta uu qofku Rasaasta ka bilaabay.
Muuqaal koobaan oo lagu baahiyay baraha Internetka ayaa muujinayay isku dhex yaac Booliiska iyo dadka ah, kuwaas oo aad uga baqanaya Rasaasta soo dhaceysa.
Maraykanka ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey wuxuu noqday saaxo dagaal, waxaana jirin todobaad aan Maraykanku dad lagu dilin, inta ugu badan weeraradaasna waxaa fuliya dadka Muslimiinta ah oo ka careysan dhibaatada Maraykanka uu ku hayo Muslimiinta.