Ruushka oo duqeeyey Xero Qaxooti, dadna ku laayay.
Dowladda Ruushka oo ku caan baxday cadaawadeeda ka dhanka ah Muslimiinta ayaa wali sii wada gumaadkeeda nidaamsan ee ka dhanka ah Muslimiinta dhulka Shaam oo jihaad shan sano kabadan kula jira Nidaamka Mujrimka ee dalkaas xooga ku heysta.
Diyaaradaha Ruushka ayaa gelinkii dambe ee maalintii shalay waxay duqeymo arxan darro ah ka geysteen xero qaxooti oo ay ku suganyihiin dad kasoo barakacay dagaallada ka socoda bartamaha Suuriya, waxaana kaamka la duqeeyey oo lagu magacaabo Al-Caa’ila uu ku yaala meel u dhow xuduud beenaadka ay wadaagaan dalalka Suuriya iyo Urdun.
Sida ay sheegtay wakaaladda Anaadool oo soo xiganeysa masaadir gudaha Suuriya ku sugan, waxaa duqeymaha oo gaaraya illaa 3 ku shahiiday 12 ruux oo ay ku jiran dumar iyo Caruur.
Waxaa jira dad ku dhaawacmay duqeymahaas oo xaaladooda liidato islamarkaana gaaraya 40 ruux, waxaana loo qaaday gudaha dalka Urdun si halkaas loogu soo dabiibo.