Sarkaal sare oo katirsan Maleeshiyaadka Xaftar oo lagu dilay Banqaazi.

Qarax

Dagaallo maalintii shalay ka dhacay xaafadda Al-Qawaarisha ee magaalada Baqaazi ayaa sababay dhimashada maleeshiyaad farabadan oo katirsan ciidamada uu hogaamiyo Khaliifa Xaftar ee taageerada ka hela dowladaha reer galbeedka iyo kuwa Carabta.

Ciidamada ku dhintay dagaalkii shalay waxaa ku jira Sarkaal sare oo katirsan Maleeshiyaadka Khaliifa Xaftar, kaas oo Mujaahidiintu la eegteen Gaari uu saarnaa Miinooyinka laga hago Romute Controlka ee sida daran wax uu xasuuqa.

Sarkaalka la dilay waxaa lagu magacaabaa Korneel Mustafaa Al-Masduur wuxuuna madax ka ahaa guutada ciidan ee lagu magacaabo Al-Handasa oo katirsan guutooyinka sida Maleeshiyaadka u abaabulan ee hoostaga dagaal Ooge Khaliifa Xaftar.

Maleeshiyaadka Xaftar ayaa qaatay maydka Sarkaalkan iyo 4 Askari oo la dhimatay islamarkaana la saarneyd Gaarigiisa gaarka ah, waxaana marka lagu daro dhimashadii shalay aanu baahinay ee ahayd 17 Askari ka dhigeysaa dhimashada guud 21 Askari oo uu ku jiro Sarkaalkan sare.

Diyaaradaha Reer galbeeedka ayaa shalay waxay si xoogan uga qayb qaadanayeen dagaalka lagu soo qaaday fariisimo ay Mujaahidiintu ku leeyihiin magaalada Banqaazi, balse kuma guuleysan in hadafdkoodu gaaraan waxaana Mujaahidiintu dib ula wareegeen saddex Difaac oo xeelad Caskari markii uga soo baxeen.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.