Sirdoonka dowladda Maraykanka oo sheegay in Suuriya ay kala qayb sami doonto.

441

Iyadoo shirqoollada iyo dhagaraha loo maleegayo dalalka Islaamka ee ay ka taliyaan madax u adeegta Reer galbeedka uu wali halkiisa kasii socoda ayaa waxaa muuqaneysa in markan Reer galbeedku si muuqata ay u shaacinayeen arinkaas, iyagoona muujinaya in ahdaaftooda ay kamid tahay kala qaybinta dalalka Muslimiinta.

Madaxa sirdoonka CIA-da Maraykanka ninka lagu magacaabo John Brennan ayaa isagoo kalimad ka jeedinaya shir sanadla ah oo looga hadlo arimaha Amaanka waxa uu sheegay in Suuriya ay kala qayb sami doonto, isagoona muujiyey inuusan filaynin in Suuriya ay ahaato sida ay haatan tahay ee ah midnimada dhamaan goboladeeda.

Brennan waxa uu si cad u sheegay inuusan Rajo wanaagsan ka lahayn mustaqbalka Suuriya oo ay ka jihaadaan Jamaacaad farabadan oo Mujaahidiin ah kuwaas oo dagaal adag kula jira Nusayriyada iyo Rawaafida isbaheysiga ah ee kusoo duulay Muslimiinta Ahlu Sunnaha Shaam.

“Ma garanayo hadii ay suura gal tahay ama aanay ahayn in Suuriya ay soo laaban doonto mar kale iyadoo mideysan” ayuu yiri madaxa Sirdoonka CIA-da Maraykanka John Brennan, isagoona dowladda Ruushka ugu baaqay in xaaladda dalka Suuriya isbedel laga keeni karin inta uu Bashaar AL-Asad joogo.

Maraykanka iyo Ruushka ayaa dhawaan filaya in howlgallo mideysan oo wadajir ah ku qaadaan fariisamaha Mujaahidiinta saadiqiinta ah ku leeyihiin dalka Suuriya, waxaana mashruucan la kar karinayo ee ka dhanka ah Mujaahidiinta si aad ah uga warqaba hogaanka Mujaahidiinta oo la imaanaya Istiraatiijiyad ka duwan tii hore.

Dhawaan ayay ahayd markii Jabhadda Al-Nusr ay bedelatay magaceedii hore una guurtay magac cusub oo ah Jabhat Fatxi-Shaam, waxaana aqalka cad ee looga taliyo Maraykanka uu sheegay in ka cabsi qabaan Jabhadda xitaa hadii ay bedelatay magaceeda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.