Waaliga Sh/hoose oo Marko Ka Khudbeeyay.
Waaliga wilayaayada islaamiga ah ee Sh/hoose ayaa boqolaal dad weyne ah kula hadlay bartanka magaalada, xilli ciidamada shisheeye ay ku fashilmeen isku day ay ku doonayeen iney magaalada ku galaan.
Sheekh Muxamad Abuu Usaama ayaa bulshada magaalada u dareensiiyay sida uu ula damqanayo ugana xun yahay dhibaatooyinkii ay ciidmada shisheeye kala kulmeen.
Dad aad u badan oo qiireysan kuna faraxsan mujaahidiinta ayaa mudadii ay khudbadda socotay ku dhawaaqayay Takbiirta iyo erayo ka dhan ah ciidamada shisheeye ee soo duulay, waxaana ugu dambeyntii uu waaligu ugu baaqay iney sii laba jibaaraan kaalintooda ku aadan iska dul-qaadida shisheeyaha.