Wadooyinka magaalada Dallas oo xiran iyo Weeraro hor leh oo laga baqayo.
Wararka ka imaanaya gobolka Dallas ee dalka Maraykanka ayaa ku waramaya iney jirto cabsi xoogan oo ay dareemayaan ciidamada Booliiska kadib markii ay soo gaartay hanjabaadyo culus oo ku aadan in la beegsan doono Askarta Booliiska.
Saraakiisha Booliiska gobolka Dallas ayaa sheegay iney soo gaartay hanjabaad culus taas oo macquul ah, ayna filanayaan in weeraro lagu soo qaado ciidankooda, waxaana iyagoo arinkaas ka gaashaamanaya ay xireen guud ahaan wadooyinka soo gala xarunta Ciidanka Booliiska ee ku taala bartamaha magaalada Dallas.
Saraakiisha ayaa wariyaasha ka ag dhow Saldhiga Booliiska waxay ku amreen ineysan qaadin wax Sawirro ah oo ku aadan dhaq-dhaqaaqa Ciidanka, waxaana sidoo kale baaritaanno xoogan lagu sameeyay guryaha ka ag dhow Saldhiga oo looga baqayo iney ku jiraan kooxo hubeysan.
Dallas ayaa ku jirta mid kamid ah xaaladihii ugu adkaa, waxaana qal-qal joogta ah dareemaya Ciidamada Booliiska, kuwaas oo sawirada laga soo qaaday laga dheehan karo cabsida wajiyadooda ka muuqata.
Madaxweynaha Maraykanka Brack Obama ayaa ugu baaqay shacabka Maraykanka iney ilaaliyaan midnimadooda, islamarkaana Mekka Joonson oo ahaa ninkii dilay saraakiisha Booliiska aanu matalin guud ahaan dadka madowga ee Maraykanka u dhashay.
Ku xigeenkiisa John Baidan ayaa dhankiisa muujiyay sida loogu baahanyahay in la iskaashado marka dhibaatooyinkan oo lala kulmayo, waxaana layaab leh sida Maraykanku dhexdiisa u doonaya inuu midoobo hadana uu uga shaqeynayo kala geynta Umadda Muslimiinta ah.
Magaalooyin iyo gobollo farabadan ayaa wali waxaa ka soconaya banaan baxyo ay dhigayaan dadka madowga ah kuwaas oo diidan tacadiyaadka Booliisku kula kacaan dadka madowga ah, waxaana meelaha banaan baxyadu ka dheceen kamid ah afaafka hore ee Aqalka Cad oo ah halka laga soo maleego dhibaatooyinka ka dhanka ah Muslimiinta.
Weeraradan iyo dagaaladan tooska ah ee ka dhex billowday cadaanka iyo madowga wada dega dalka Maraykanka ayaa imaanaya dhowr todobaad kadib markii Majallada Inspire oo ay soo saaraan Mujaahidiinta Al-Qaacida ee Jaziiradda Carabta ay ugu baaqday dadka aan Muslimiinta ahayn ee ku sugan Maraykanka islamarkaana la kulmaya tacadiyaadka ay ka aargutaan cadaanka Maraykanka, waxaana muuqaneysa in dadka madowga ah ay aad u akhristeen Risaaladaas oo ku qorneyd luuqadaha Carabiga iyo Englishka.