Wasiiro Ka Tirsan Maamulka Galmudug oo Geeriyooday.
Labo ka tirsan wasiirada maamulka la baxay Galmudug ayaa ku geeriyooday shil kadib markii uu la rogmada gaari ay saarnaayeen xilli ay kasoo amba bexeen magaalada Gaalkacyo kuna sii jeedeen degmada Cadaado.
Shilka oo ka dhacay degaanka Saddex Higlo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa ku geeriyooday wasiiru Dowlihii Wasaaradda Maaliyadda, Cali Baashi iyo Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Hawlaha Guud, Aweys Cali Saciid.
Hogaamiyaha maamulka Galmudug ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay shilkaas iyo khasaarihiisa, waxaana lagu waramayaa in maanta la aasayo xubnahaasi.