Weeraro lagu laayay dad Shiico ah oo ka dhacay dalka Afqaanistaan.
Gelinkii dambe ee maaalintii shalay oo Sabti ahayd waxaa labo qarax oo aad u xoogan lala eegtay dad aad u farabadan oo kasoo jeeda Aqaliyadda Hazaara oo ah shiico degan dalka Afqaanistaan, kuwaas oo banaan baxyo ballaaran ka dhigayay magaalada Kaabul.
Sida ay sheegayaan warbaahintu waxay shiicadan dhigayaan banaan baxyo ay kaga soo horjeedeen dowladda Afqaanistaan ee Reer galbeedku wadato taas oo diiday in dabka Koronto oo ka imaanaya dalka Paakistaan ay marsiiso gobolkaas.
Qaraxyada oo gaarayay illaa labo Qarax ayaa sababay dhimashada dad u farabadan oo shiico ah waxaana dhimashadu ay mareysaa illaa iyo hadda 80 Ruux, halka dhaawacyadu ay ka badanyihiin 200 oo ruux waxaana jira dhaawacyo halis ah oo laga yaabo in saacadaha soo socoda ay geeriyoodaan.
Warbaahinta ayaa soo bandhigayay Sawirada dad maydad ah oo jirkooda kala go’ay, waxaana Baabuurta Gargaarka ay gaarayeen goobta si dadka dhaawacan loo geeyo Cisbitaallada magaalada Kaabul.
Xarakada Islaamiga ah ee Dhaalibaan ayaa cambaareysay weerarkan ka fiirsi la’aanta ah ee lagu qaaday Shiicadan banaan baxaysay, iyadoona beenisay in iyadu ay ka dambeyso waxaana hogaannada Jihaadka kuwa dhintay iyo kuwa noolba ay intooda badan ka digeen beegsiga Indha la’aanta ee Shiicada gaar ahaan kuwa aan dagaal toos ah kula jirin Muslimiinta.