Xildhibaano Dhaliilsan habka soo xulista Baarlamanka cusub.
Xildhibanada waqtigu ka sii dhamaanayo waxay dhaliilsan yihiin habka soo xulista baarlamaanka cusub ee ay ku howlan yihiin waxa loogu yeeray madasha wada tashiga ee ka kooban madaxtooyada, gudoonka baarlamaanka ra’iisalwasaaraha iyo madaxda maamul gobaleedyada iyo beesha caalamka oo dhaamaantood kor ka hageysa.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegaya in awoodihii dowladnimo lagu tagri falay baarlamaankana la garab maray.
Wuxuu intaa ku daray in xildhibaanada sharuudaha lagu xiray aanay aqoon la xariirin ee ay tahay in nin waliba marka hore lacag bixiyo haddii uu xattaa waalan yahayna xilka loo dhiibayo.
Sidoo kale waxaanu xildhibaan dalxa weydiinay sida uu u arko weerarkii naf hurnimo ee gaalada dhawaan lagu laayay ee muqdisho ka dhacay uuna fuliyay xildhibaan hore Saalax Bad baado.