25 malamood kadib, Gurmadkii ugu horeeyey oo galay magaalada Xalab.
Kadib markii Ciidamada Mujaahidiinta iyo kuwa kacdoonka oo iskaashanaya ay ku guuleysteen iney go’doonka ka qaadaan xaafadaha bari ee magaalada Xalab ayaa waxaa markii ugu horeeysa 25 maalmood oo go’doon ah kadib galay magaalada Xalab gurmad cunna iyo dawo ah.
Mu’assasaad khayri ah iyo dadka muslimiinta ee magaalada Idlib oo iskaashanaya ayaa ku guuleystay iney gurmad kala duwan oo cunto iyo dawooyin isugu jira waxay gaarsiiyeen walaalahooda ku sugan magaalada Xalab ee dalka Suuriya.
Gawaari xamuul ah oo sida cuntada iyo dawooyinka ayaa gudaha u galay magaalada Xalab iyagoo isticmaalaya wadada weyn ee marta xaafadda Al-Raamuusa ee Xalab, waxaana aad ugu farxay tallaabadan dadka Muslimiinta ee todobaadyo xiriir ah go’doonsanaa.
Dhanka kale diyaaradaha Ruushka ayaa duqeymo waali ah waxay ku garaaceen xaafadaha cusub ee Mujaahidiintu la wareegeen, waxaana duqeymuhu gaarayaan Boqolaal duqeymo oo xiriir ah balse majiraan khasaare ay geysteen oo lasoo wariyay.
Warbaahinta Nidaamka Suuriya ayaa baahineysa warar been abuur ah oo ku aadan in ciidankooda ay dib usoo ceshteen gacan ku heynta Xaafadihii lagala wareegay, waxaana taageerayaasha Nidaamka soo wajahay qal qal xoogan iyagoona arkay taag darida ciidamadooda.
Dagaalka Xalab ee sii galay marxaladiisa Afaraad ayaa lagu tilmaamay kii ugu xoogana wixii ka dambeeyay sanadkii 2011 kolkaas oo uu billowday kacdoonka dalka Suuriya ee Jihaadka hubeysan isku bedelay, waxaana Macrkadan ay banaanka soo dhigtay awooda ay leeyihiin Mujaahidiintu haddii ay midoobaan.
Meejaa kihilaab bayna dhigay marag Ilaahaye
Hadii ay midnimo jiri lahayd nama muquunsheene
Mushrik iyo nijaas macatab xiran nama muquunsheene
Maatadeen malaayeen kufriga ama majuus kiiye
Milyan iyo balaayiin khalqiya qiray macbuud kooda
Miladiisu gaal nimay ahayd kuma magaageene
Xabashiga mudhaa iyo Tigree kama macaasheene
Godobtaa midnimo iyo kartaa lagu miraabaaye
Maalmaan ku helinayn xoriyad muunad iyo khayre
An midowno muslimow kufriga waynu maamuline
An khilaafka meejaa na dhigay maanta kacarawno
Macbuud keenu taasuu nafaray maalin iyo layle
Midnimiyo ikhlaas iyo ismaqal maamul la adeeco
Maalkoon la baatulin wartiro yiri maxbuub keene
Nabi moxamed salalaahu wasalama dhaxal ma guuraana
Murti waano oo nooga dhigan waa miduu yiriye
An midawno musilow xoriyad maalin bay imane