4 sano oo Go’doon ah kadib, magaalada Daariyah waxay gashay Mugdi.
Magaalada Daariyah waa magaalo caan ah, laguna bartay Adkeysiga iyo samirka, waxaana go’doon adag oo ay la socoto duqeymo joogta ah ku jirtay 4 sano oo xiriir ah.
Diyaaradaha Ruushka iyo kuwa Nidaamka ayaa sanadihii ugu dambeeyey waxay duqeymo xoogan oo Arxan darro ah kawadeen magaaladan, taas oo hadafkeedu ahaa in dadku baaba’aan, waxaana kii ka badbaada duqeymaha Diyaaradaha uu halis ugu jiray inuu baahi darteed u dhinto maadaama magaalagu go’doon adag ku jirtay.
Heshiis dhexmaray Nidaamka iyo qaar kamid ah kooxaha Mucaaradka ee magaaladaas ku sugnaa ayaa ugu dambeyn waxaa la isla gaaray in magaalada guud ahaanba ay faarujiyaan dadka Shacabka ha ee ku nool, islamarkaanala geeyo Kaam Qaxooti oo ku yaala meel u dhow magaalada Dimishiq gacantana ay ku hayo Nidaamka Bashaar Al-Asad, halka ciidankii hubeysnaa ee ku go’doonsanaa magaalada iyaguna la geynayo magaalada Idlib.
Nidaamka ayaa soo rogay shuruud adag oo ay kamid tahay in dadka magaalada aysan qaadan karin alaab kabadan kuwa gacanta lagu qaato, waxaana taas laga dareemayaa sida Nidaamku uga go’antahay dulleynta Ahlu Sunnaha Shaam ee Rawaafidu isugu habar wacdeen.
Kolonyo Gawaari ah oo ka socotay Bisha Cas Suuriya ayaa galay magaalada Daariyah kuwaas oo bilaabay daad gureynta dadka, waxaana sawiro lasoo qaaday muujinayeen dadka oo sagootinaya magaaladooda ay aadka u jecelyihiin, qaarkoodna booqanaya Qubuurihii lagu aasay dadkii 4 sano ee lasoo dhaafay ku shahiidayay duqeymaha cadowtooyo ee Nidaamka iyo Ruushka.
Wariye madax banaan oo magaalada Daariyah ku sugan lana hadlay warbaahinta ayaa sheegaya in guud ahaan dadku yihiin kuwa ilmeynaya islamarkaana oynaya, waxaana ay ka murugeysanyihiin sida qasabka ah ee magaaladooda looga saaray.
Go’doonka ayaa ah usluub uu aad u isticmaalo Nidaamka Suuriya, waxaana uu kaga gol leeyahay inuu ku dumiyo Iraadada iyo go’aanka Muslimiinta Suuriya balse waxaa muuqata in tallaabtaas uu ku guul darreystay marka laga soo tago magaalooyin fara kuturis ah oo ay ku guuleysteen in qaabkaas kula wareegaan.