Al-Qaacida oo ku guuleystay in ay soo furato gabdhihii uu dhalay Sheekh Ayman ee dowladda Pakistaan u xirnaa.
Sida ay baahiyeen Ilo lagu kalsoonaan karo oo ka ag dhow Mujaahidiinta Al-Qaacida waxaa xabsiga laga sii daayay Gabdho uu dhalay Sheekh Ayman Adh-dhawaahiri kuwaas oo u xirnaa dowladda Paakistaan ee bah wadaagta la ah dowladda Maraykanka.
Gabdhaha xirnaa oo ahaa saddex ayaa labo kamid ah oo lagu magacaabo Umeyma iyo Faadima waxaa dhalay Sheekh Ayman, halka gabadha sadexaad uu dhalay hogaamiye shahiiday oo lagu magacaabo Murjaan Saalim.
Mujaahidiinta Al-Qaacida waxay ku guuleysteen iney gacanta ku dhigaan Jaajuuskii basaasay Gabdhaha Muhaajiraadka ah, waxaana lagu fuliyay xukun Xaddu Riddo ah, waxaana ragga macluumadan baahiyay oo ka ag dhow Alqaacida ay sidoo kale baahiyeen filim kooban oo muujinaya Jaajuuska oo qirnaya howlihii uu sameeyey.
Saddexda Gabdhood iyo caruurtooda ayaa waxaa la geeyay dalka asal ahaan kasoo jeedaan ee Masar, waxaana lagu bedeshtay Maxbuus Mujaahidiinta Al-Qaacida gacanta ku hayeen oo kasoo jeeda dalka Paakistaan.