Aqoon yahan ka ka hadlay isbedelada soomaalidu soo martay shanti boqol ee sano ee u dambeysay
Soomaaliya waxay leedahay cadaw fara badan oo ku fikiraya in uu maalin cirib tiro iyadoo mar waliba ay kacayeen qolo shisheeyaha dagaal la gasha ha noqdo mid jihaad ah oo diineed ama ha noqdo mid wadaniyad ku saleysane.
Shanti boqol ee sano ee la soo dhaafay waxay soomaalidu soo martay marxalado kala duwan waxaan waqtiyo badan oo ka mid ah la isku dayay in soomaalida cudud lagu muquuniyo si dalka looga qaato dadkana loo adoonsado.
Cidda ugu daran ee soomaalida dagaalada ku soo qaadeysay waa xabashida dal doonka ah dhanka kalena ka careysan umadda dhanka cad ceeddu ka soo baxdo ka xigta ee wada muslimiinta ah.
Markasta oo shisheeye soo duulo waxaa jira daba dhilifyo u adeegaya halka dhanka kalena ay ka soo muuqanayaan wiilal u carbisan in ay afka ciidda u daraan kuwa soo xad gudbay taariikhdana labadaasi kooxood midba meel buu uga qormayaa.
Hadaba arimahaas iyo kuwa kale waxaa idaacadda islaamiga ee alfurqaan uga waramay aqoon yahan xasan fayooke.