Camaliyad Istish-haadi ah oo lagu laayay ciidamo katirsan maleeshiyaadka Xaftar.
Wararka ka imaanaya magaalada Banqaazi ee dhacda bariga dalka Liibiya ayaa ku waramaya in camaliyad istish-hadi ah lagu weerary ciidamo katirsan maleeshiyaadka Ashahaada la dirirka ah ee Khaliifa Xaftar.
Mujaahid kaxeynay Gaari walxaha qarxa laga buuxiyay ayaa beegsaday goob ay ku sugnaayeen maleeshiyadka Xaftar oo katirsan xaafadda Al-Qawaarsha ee magaalada Banqaazi.
Sarkaal katirsan maleeshiyaadka Xaftar oo hadlay ayaa xaqiijiyay in 15 Askari ay kaga dhimatay qaraxaas, halka 30 kalana ay dhaawacmeen, waxaana uu intaas ku daray in weerarkan ay ka dambeeyeen rag uu ku tilmaamay Argagaxiso.
Dhanka kale mujaahidiinta golaha Shuurada ee magaalada Banqaazi ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan, waxaana mu’assasada Al-Saraayaa barteeda twitterka ay ku qortay hadal kooban oo ay ku sheegeyso in Mujaahidiinta Golaha Shuurada Banqaazi ay ka dambeeyaan weerarkan.
Sanado xiriir ah waxaa magaalada Banqaazi marti gelineysaa weeraro iyo dagaallo xoogan oo u dhexeeya dagaal Ooge Khaliifa Xaftar oo taageero ka helaya Reer galbeedka iyo dowladaha Carabta, iyo Mujaahidiinta oo iskaashanaya.