Daawo: Qaybta labaad ee Fariimaha Gaagaaban oo uu jeedinayo Sheekh Ayman.

Screenshot from 2016-08-21 19-29-58Kalimad ciwaan looga dhigay ha kala tagina, islamarkaana kamid ah silsiladaha fariimo gaaban oo ku socoda umadda Islaamka uuna jeedinayo Hogaamiyaha guud ee Mujaahidiinta Alqaacida Sheeekh Ayman Adh-dhawaahiri ayay goordhow baahisay mu’assaada As-saxaab.

Kalimadan oo ah maqal iyo muuqaal islamarkaana soconeysa kudhowaad 6 daqiqo ayuu Sheekh Ayman Adh-dhawaahiri waxa uu ka hadlay dhibaatada ay leedahay kala taga, isagoona ku taliyay in la mideeyo Juhuuda Mujaaahidiinta meel waliba oo ay joogaan, waxaana uu soo qaatay sida sheekha Mujaahidka ahaa ee Usaama bin laadin ugu sacyin jiray mideynta Mujaahidiinta isagoo beyca la galay imaarada Islaamiga ah ee Dhaalibaan islamarkaana ugu baaqay guud ahaan Muslimiinta iney u hiiliyaan Imaarada beycana la galaan.

Sheekh Ayman wuxuu kalimadiisa kusoo gudbiyay Culimada waaweyn ee tazkiyeysay Imaarada Islaamiga ah ee Afqaanistaan oo ay kamid yihiin Sheekh Usaama, Cadhiyatullaahi, Abii Yaxya Al-liibi, Abuu Layth, Abuu Muxamed Al-Maqdasi, Abuu Qataada Al-Filastiini ,Suleymaan Al-Calwaan iyo kuwa kale, waxaana uu sheegay in Imaaradu wali ku sugantahay dhabbaha saxda ah isagoona meesha ka saaray tuhmooyinka ay dadka qaar baahiyeen ee ah in imaaaradu gacmo Mukhaabaaraad ku jirto.

Hoos ka daawo Kalimadda oo dhameystiran.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.