Dadka ku dhintay Dhul gariirka Talyaaniga kudhuftay oo sii kordhay.

82016259837951

Boqolaal Ruux oo Talyaani ah ayaa ku dhintay Dhul gariir weyn oo ku dhuftay bartamaha dalka Talyaaniga maalintii Arbacada, waxaana ku barakacay kumanaan Ruux oo haatan hooy la’aan ah.

Hay’adda Difaaca Madaniga ee Talyaaniga ayaa xaqijisay in dhimashadu gaartay 250 Ruux, halka ay jiraan dhaawacyo farabadan, waxaana intaas dheer barakaca Kumanaan Ruux oo haatan ah kuwa Guryo la’aan ah.

Hay’adda ayaa war ay soo saartay saaka waxay ku sheegtay iney ka cabsi qabto in dhimashadu sii kororto maadaama laga cabsi qabo iney jiraan maydad ku jira dhismooyinka soo dumay oo qaarkood aan wali la faagin.

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga oo booqday goobaha ay Dhulgariiradu ka dhaceen ayaa sheegay iney jiraan dhimasho iyo dhaawac aad u farabadan, waxaana uu xusay in dadka waxyeeladu kasoo gaartay Dhulgariirka qaarkood lagu raray Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helecoterska.

Midowga Yurub ayaa dhankiisa sheegay in dowladda Talyaaniga ay ku saacidi doonaan howlaha lagu qudayo dhismayaasha dumay ee lagu baadi goobayo maydad ku jira burburka hoostiisa.

Sawirrada laga soo qaaday burburka Guryaha ayaa aad u shabaha burubrka joogtada ah ee maalin kasta ka dhaca dalka Suuriya oo ay geysanayaan diyaaradaha Ruushka iyo kuwa Reer Galbeedka, waxaana muuqaneysa in Allah uu u aarugdayo Musliminta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.