Dagaal Dhimasho dhaliyay ayaa Saaka Ka Dhacay Baladxaawo.
Dagaal udhaxeeyay maleeshiyaadka ku wada sugan Magaalada Baladxaawo Ee Gobalka Gedo ayaa saaka ka qarxay degmadaasi.
Dagaalka oo socday wax ku dhaw laba saac ayaa la isku adeegsaday hubka Culus iyo kuwa Fudud.
Waxa uu daba socday israsaaseyn shalay ka dhacday Magaalada Baladxaawo.
Illo wareedyo ayaa Alfurqaan usheegay in dagaalka ay ku dhinteen sadax askari lex kalana ay ku dhaawacmeen.
Xaalada ayaa wali kacsan waxaana is hor fadhiya dhinacyada dagaalamay.
Shalay ayay ahayd markii Magaalada uu ka dhacay qarax Lagu dilay Corneel Deeqow Diiriye oo kamid ah saraakiisha la shaqeysa Itoobiya.
Waxaana kala shakiyay ciidamda iyagoo dilay askari ay ku tuhmeen inuu ku lug lahaa qaraxa taasi oo keentay inay dagaalamaan ciidamada.