Dagaalka Xalab oo sii xogeystay iyo xaafado hor leh oo soo galay gacanta Mujaahidiiinta.
Wararka ka imaanaya magaalada Xalab ayaa ku waramaya in wali ay socdaan dagaallo xoogan oo u dhexeeya ciidamada Mujaahidiinta iyo kooxaha Kacdoonka oo iskaashanaya iyo maleeshiyaadka Nusayriyada iyo Rawaafida oo dhan ah, waxaana Mujaahidiintu soo hooyeen guulo la taaban karo oo dhanka Maydaanka ah.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dagaalka si isku mid ah uga qayb qaadanaya dhamaan kooxaha Islaamiyiinta iyo kuwa Kacdoonka oo u arka macrkadan iney tahay mid masiiri ah.
Maleeshiyaadka Nidaamka Mujrimka Bashaar Al-Asad ayaa ka cararay furinta dagaalka, waxana sii kordhaya khasaaraha soo gaaraya maleeshiyaadkaas, iyadoona kuwa nool gacanta lagu dhigay saacadihii ugu dambeeyay.
Xarakada islaamiga ee Axraaru-Shaam ayaa waxay gacanta ku dhigtay 23 Askari oo katirsan ciidamada Nusaryiyada oo ka dagaalmayay xaafadda Al-Raamuusa oo inteeda ugu badan ay la wareegeen Mujaahidiinta is kaashanaya, waxaana kooxaha ku mideysan dallada Jayshul Fatxi ay la wareegeen xaafado istiraatiiji ah oo dhaca koonfur galbeed magaalada Xalab.
Deegaannada cusub ee soo galay gacanta Mujaahidiinta waxaa kamid ah tuullada Al-Xuweyz oo Mujaahidiintu ku guuleysteen in iyagooo isticmaalaya godad waaweyn oo dhulka hoostiisa laga qoday ay qarxiyaan difaacyada Nusayriyada ay ku leeyihiin tuuladaas, waxaana sidoo kale Nusayriyada laga eryay inta badan xaafadda muhiimka ah ee Al-Raamuusa.
Marxaladda sadexaad ayuu marayaa dagaallka weyn ee Xalab ka socoda, waxaana ay sheegayaan dadka la socoda dagaalkaas iney soo dhowdahay in guud ahaanba go’doonka laga qaado xaafadah bari ee magaalada Xalab.
Dowladda Iiraan ayaa si buuxda uga qayb qaadaneysa dagaalka iyadoo garab taagan Nidaamka Bashaar Al-Asad, waxaana dagaalka saddexda maalin ka socoda Xalab ay ku waysay 4 Sarkaal oo muhiim ah kaas oo mid kamid ahaa Saraakiisha ugu sarreysa ee dowladda Iiraan ku tashaneysay.
Xaafadda Salaaxu-diin ee magaalada Xalab waxaa ka dhacay banaan baxyo waaweyn oo ay dhigeen dadka shacabka ah, kuwaas oo hambalyo u diray Mujaahidiinta kuna dhiira geliyey iney la yimadaan naf hur iyo midnimo dheeraad ah si duruus lama ilaawaan ah loogu dhigo Rawaafida daafaha caalamka isaga yimid ee gumaadaya Reer Suuriya.