Dagaallo xoogan oo la doonayo in go’doonka looga qaado Xalab oo ka socoda gudaha iyo daafaha magaalada.
Gelinkii dambe ee maalintii shalay ayaa waxaa kooxaha Jihaadiyiinta iyo kuwa Mucaaradka Suuriya ay bilaabeen dagaallo malaaxim ah oo lagu doonayo in go’doonka looga qaado xaafadaha bari ee magaalada Xalab kuwaas oo dhawaan go’doon ay geliyeen maleeshiyaadka Nidaamka Bashaar Al-Asad.
Dagaalka oo ay ka qayb qaadanayaan kooxaha ku mideysan Jayshul Fatxi iyo qaar kamid ah kooxaha Mucaaradka ayaa laga soo sheegayaa in horumar wanaagsan oo aan la filaynin laga gaaray, walina uu socoda Taqadumka ay sameynayaan Mujaahidiinta.
Jamaacaadka sida aadka ah uga qayb qaadanaya dagaalka waxaa kamid ah Jabhatu Fatxi Shaam, Axraaru-Shaa iyo kuwa kale, waxaana Jabhadda Fatxu Shaam ay lahayd kaalinta billowga Mackarada iyadoona hurtay labo Mujaahid oo kamid ah ciidankeeda oo Camaliyaad Istish-haadi ah ku fuliyay barar Kontorool oo ay ku sugnaayeen ciidamada Shabiixada Bashaar A-Asad.
Sida lagu baahiyay baraha Internetka waxay Mujaahidiintu si buuxda ula wareegeen madarasada Al-Xikma, dalcaddda Mu’tah, dalcadda Sariyaatal, xarunta guutada Sawaariikhda magaalada Xalab iyo xaafado kale iyo goobo Istiraatiiji ah oo ay horaan ugu sugnaayeen Ciidamada Nusayriyada.
Khasaaraha soo gaaray Maleeshiyaadka Rawaafida iyo kuwa Nusayriyada ayaa aad u badan, waxaana inta haatan la hubo ay gaareysaa dhimashada 47 Askari halka dhaawucu intaa kabadan yahay, waxaana jira Maxaabiis iyagoo nool soo galay gacanta Mujaahidiinta.
Waxaa jira Qanaa’im kala duwan oo ay ku jiraan Taangiyada waaweyn ee Nusayriyada u adeeggsanayeen duqeymaha xaafadaha magaalada Xalab.
Dadka shacabka ah ayaa aad uga qayb qaadanaya Macrakadan masiiriga ah ee la doonayo Inshaa’Allah in go’doonka looga saaro Nus milyanka Ruux ee ku go’doonsan magaalada adkeysiga iyo Sumuudka Xalab oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka Suuriya.
Hadba wixii kusoo kordha dagaalladan socoda iyo horumarada ay sameeyaan Mujaahidiinta waan idin soo gudbin doonnaa Inshaa’Allah.