Dagaallo xoogan oo u dhexeeya Rawaafida dhexdooda oo maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay dalka Ciraaq.
Saddexdii maalmood ee ugu dambeysa waxaa magaalada Bacquuba ee gobolka Dayaala deegaanno hoos yimaada ka dhacayay dagaallo xoogan kuwaas oo u dhexeeya Maleeshiyaadka shiicada ah dhexdooda oo u kala baxsan farabadan.
Dagaalka oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan ayaa wali soconaya, waxaana jira khasaare farabadan oo maleeshiyaadka dagaalamaya ay dhexooda is gaarsiiyeen.
Maleeshiyaadka is heysta ayaa u kala baxsan labo kooxood oo kamid ah kooxaha ugu caansan ee dagaalka kula jira Muslimiinta Ahlu sunnaha dalka Ciraaq.
Gudoomiyaha Xukuumadda Rawaafida Ciraaq u qaabilsan gobolka Dayaala ayaa lagu soo waramayaa inuu la safanyahay mid kamid ah Maleeshiyaadka is dagaalsan, waxaana dagaalka ka dhacay gobolkaas lagu soo waramayaa inuu isku bedelay qaab qabiil.
Dagaalka ayaa ku billowday kadib markii mid kamid ah kooxaha Rawaafidu ay gubeen guriga Sarkaal sare oo katirsan kooxda kale, halkaasna waxa ka billowday dagaal illaa iyo hadda socoda isalmarkaana geystay khasaare farabadan oo Rawaafida dhexdooda ah, waxaana dhimashada ay gaareysaa kudhowaad 20 Askari halka dhaawacu intaas kabadanyahay.