Dhaalibaan oo furatay dhul hor leh gacantana ku dhigtay Qanaa’im farabadan.

Cp91FRxWIAAsw8K

Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga ah ee Dhaalibaan ayaa la wareegay gebi ahaanba degmada Dahna Guuri ee gobolka Baqlaan oo dhaca wuqooyiga dalka Afqaanistaan kadib dagaallo in muda ah socday.

Howlgalkan lagula wareegay degmadan istiraatiijiga ah ayaa qayb ah howlgalka Cumariyah ee Gugii aynu soo dhaafnay ku dhawaaqday Imaarada Islaamiga ah, waxaana la wareegista degmadan u dheeraa Mujaahidiinta in Qanaa’im aad u farabadan lagula wareegay dagaalka.

Sawirro ay baahiyeen rag ku dhow Imaarada oo isticmaala barta Twitterka ayaa waxay muujinayaan saanad milliteri oo aad u farabadan, waxaana la sheegay in hubka lagu qabsaday Dahna Guuri uu ku filanyahay dagaalka Jihaadka ee Afqaanistaan saddexda sano ee soo socota.

Bayaan kasoo baxay Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga ah ee Dhaalibaan waxaa lagu xaqiijiyay in 15 katirsanaa maleeshiyaadka Xukuumadda Kaabul ay isku soo dhiibeen Mujaahidiinta, kuwaas oo aan jirin cid waxyeeleysay.

Dagaallo xoogan ayaa ka soconaya gobollada kala duwan ee dalka Afqaanistaan, waxaana Imaarada Islaamiga ah ee Dhaalibaan ay kaabiga ku heysaa magaala madaxda gobolka Helmand oo qarka u saaran in gebi ahaanba soo gasho gacanta Imaarada.

version4_Cp91A95WEAA0hwC7Cp91DK3WAAAxNq0

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.