Dhageyso:Dadka Ka Hadlaya Kaniisada Laga Furay Hargaysa oo Soo Badanaya.
Aqoonyahan Axmed Cabdikariim iyo Macalim Xuseen oo uwaramay idaacadda Alfurqaan ayaa ka hadlay kaniisada Faatikaanku sheegay inuu ka furay Hargaysa.
Axmed Cabdikariim ayaa sheegay in wax laga naxo tahay dhulka muslimiinta in laga furo kaniisad.
Dadka Hargaysa ayuu ugu baaqay inay arinkaasi ka dhiidhiyaan oo aysan qaadan Liidnaan.
Maamulka Somaliland ayuu Axmed Cabdikariim Ku Tilmaamay inay yihiin maamul dabo dhilif u ah gaalada oo gatay diintooda iyo dadnimadooda.
Macalim Xuseen oo kamid ah Macalimiinta Dhiga Dugsiyada Quraanka Kariimka ayaa isna cabiray dariinkiisa ku aadan warka kasoo baxay dowladda Fatikanka.
Axmed Cabdikariin ayaa dhankiisa la hadlay dadka ku nool dhulka ay ka taliyaan maamul Gobaleedyada oo uu sheegay in cibro iyo ku waano qaadasho ugu sugantahay waxa ka dhacay Hargaysa.