Dhageyso:Dr Xanafi oo Falanqeeyay Ujeedka Socdaalkii Xasan ee Jigjiga.
Madaxweynaha Dowladda Muqdisho Xasan Sheekh ayaa socdaal sadax cisho qaatay ku tagay Magaalada Jigjiga oo kamid ah dhulka ku jira Gacanta Itoobya.
Dr Xanafi Cabdi Sheekh Aadan oo Alfurqaan uwaramay ayaa ujeedka Xasan sheekh Ku sifeeyay Dhowr Qodob isagoo mid mid utaxliiliyay.
Xasan Sheekh oo Soomaalida Marin habaabinaya ayaa ugu baaqay inay iska iloobaan colaad ka dhex aloolsan Soomaaliya iyo Itoobiya.
Xasan waxa uu sheegay in horumar uu kusoo arkay dhulka uu booqday balse sheegashadaasi waxaa ku diidan Dr Xanafi.
Itoobiya waa Gumeyste Soo Jireen ah iyada ayaana dhistay maamulada Dalka Ka Jira.
Nin waliba oo madax Noqda waxa uu ku noqnoqdaa Adis Ababa Halkaasi oo awaamiir uu kusoo qaato.