Dhageyso:Sheekh Cali Dheere oo Aynnu Ka Waraysanay Howlgaladii Gaalkacyo.

Sheekh CaliAfhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raagge oo Caawa uwaramay Barnaamijka Dhuuxa Waraysiyada Idaacadda Alfurqaan ayaa ka hadlay weeraradii qaraxyada ahaa ee shalay ciidamadooda ka gaysteen Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobalka Mudug.

“Gaalkacyo waxaa ka dhacay camaliyaad istish-haadi ah oo lagu qaaday cadowga allaah”ayuu yiri Sheekh Cali isagoo xusay ciidamadooda inay beegsadeen goob ay ku shirayeen rag katirsan maamulka Puntland.

Mar La weydiiyay qasaaraha ayuu sheegay in goobta ay ku dileen dad ku dhaw 50 ruux tira kalana ay ku dhaawaceen halka burbur uu soo gaaray dhismaha la hujuumay.

Sheekh Cali ayaa sheegay  maamulka puntland inuu yahay maamul garab u ah Itoobiya islamarkaana ay fuliyaan awaamiirta kaga timaada Itoobiya iyagoo dhibaataynaya dadka ahlu diinka ah iyaguna sababtaasi ubeegsadeen.

Farriin ayuu udiray dadka ku nool goobaha uu ka taliyo Maamulka Cabdiwali Gaas.

Dhanka kale Afhayeenka waxaannu wax ka weydiinayay howlgalada ay ka wadaan Muqdisho.

Halkan Ka Dhageyso Wareysi Sheekh Cali dheere.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.