Diyaarad dagaal oo lagu soo riday gobolka Idlib, iyo Xalab oo wali dagaallo ka socdaan.
Wararka ka imaanaya dalka Suuriya ayaa ku waramaya in diyaarad nooca Hellcopterka ah lagu soo riday gobolka Idlib ee dalkaas, kadib markii ay beegsadeen kooxaha wax iska caabinta.
Wararka ay warbaahintu sida deg dega ah usoo qorayaan ayaa sheegaya in Diyaaradda ay saarnaayeen 5 Askari, islamarkaana qaarkood ay dhinteen halka qaarkoodna ay bad qabaan.
Balse Tvga ALjazeera ayaa bartiisa Telegramka waxa uu kusoo qoray daqiiqado kahor iney dhintaan guud ahaan dadkii saarnaa diyaaradda oo labo kamid ah ahaa Saraakiil halka saddexda kalena ay ahaayeen Ciidamo caadi ah.
Dowladda Ruushka war kasoo baxay waxaa lagu qiray in diyaaradda ay soo dhacday kadib markii dagaalyahanno ku sugnaa dhulka ay beegsadeen, waxaana jirin faafaahin intaas kabadan oo la hayo.
Dhanka kale waxaa wali dagaallo ka socdaan magaalada Xalab ee dalka Suuriya halkaas oo Mujaahidiinta Jayshul Fatxi ay ku qaadeen xamlo dagaaleed lagu doonayo in go’doonka looga qaado magaalada Xalab.
Dagaalka ayaa aad u kulul, waxaana labada dhinac ay ay isku adeegsanayaan wax waliba oo ay heli karaan, iyadoona horumarka dhanka dagaalka ee ay gaarayaan Mujaahidiinta uu wali yahay mid sii socoda.
Dhimashada Ciidamada Nusayriyada ayaa gaareysa kudhowaad 60 Askari halka Maxaabiis nool nool lagu soo dhigay gacanta, waxaana firxanaya Maleeshiyaadka Nidaamka Mujrimka Bashaar Al-Asad