Dowladda Maraykanka oo Maxaabiis kasii daysay Xabsiga Guwantanmo Bay.
Iyadoo qayb ka ah qorshaha Uu Obama ku doonayo inta uusan xilka ka degin inuu kusoo xiro xabsiga sumcadda xun ee Guwantanamo Bay ayaa maamulka Xabsigaas wuxuu kasii daayay 15 Maxbuus oo kamid ah kuwa xaq darada loogu heystay halkaas wax kabadan 10 sano.
Maxaabiista lasii daayay oo tiradoodu gaareyso 15 waxaa 12 kamid ah kasoo jeedaan dalka Yaman ee muslimka ah halka 3 kalana kasoo jeedeen dalka Afqaanistaan hooyada Jihaadka Caalamiga ah ee maanta socoda, waxaana maxaabiistaas lagu wareejiyay dowladda Imaaraadka Carabta.
Maraykanka ayaa ku andacoonaya in maxaabiistan la geyn karin wadamadooda oo ay ka socdaan dagaallo Jihaad ah cabsi laga qabo iney ku biiraan Mujaahidiinta halkaas ka dagaalama.
Marka 15 Maxbuus ee laga sii daayay Guwantanamo laga jaro wadarta guud ee ku jirta xabsigaas waxay noqoneysaa 61 Ruux, waxaana la filayaa in Obama uu gebi ahaanba xiro xabsigaas inta uusan xilka ka degin iyadoo Maxaabiista ku jirta lagu wareejin doono dalal kale.
Waxaa hubaal ah in Maxaabiista laga sii deynayo Guwantamo ay helayaan wusci ka gedisan culeeskii ay ku qabeen Guwantanamo.