Dufcaddii Labaad ee Reer Daariyah oo soo gaaray deegaanada xurta ah ee Gobolka Idlib.

441

Iyadoo dhaawaan Nidaamka Suuriya iyo Kooxaha Mucaaradku wada galeen heshiis dhigaya in si nabad geliyo ah magaalada Daariyah looga soo daadgureeyo dadka Shacabka iyo kooxaha Mucaaradka ah ee 4 sano ku jiray go’doon halakeeyey dadka iyo duunyada, ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay soconayay daad gureynta dadkaas.

Maalmihii Jimcaha iyo Sabtida ayaa waxaa magaalooyinka baadiyaha Idlib soo gaaray kolonyo gawaari ah oo gaaraya illaa 24 Kolonyo kuwaas oo sida dad farabadan oo isugu jira dumar, Caruur, iyo Ciidan intuba.

Dadka lasoo daadgureeyey oo gaaraya inkabadan 1000 ruux ayaa la sheegay in la geeyey Kaamam Qaxooti ah oo ay maalgeliyaan Hay’ado Muxsiniin Muslimiin ah leeyihiin, waxaana loo dhisay Teendhooyin ay ku hooyadaan.

Heshiiskan oo ahaa mid laga maarmaan noqday maadaama Reer Daariyah 4 sano oo kaamil ah go’doonsanaayeen ayaa dhanka kale muujinaya siyaasadda dhaa’ifiga ah ee Nidaamka Suuriya ku socoda ee ah in dhulka Ahlu sunnaha laga barakciyo Muslimiinta, taas bedelkeedana la dejiyo Shiico ka kala yimid dalalka Iiraan, Lubnaan iyo Ciraaq.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.