Faafaahinno dheeri ah oo laga helayo khasaarihii ka dhashay weerarkii Hotel SYL.

CrGo1IQWcAA6IYu
Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay weerarkii barqinimadii maanta Guutada Istish-haadiyiinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ku qaaday hotel SYL oo ku yaala meel u dhow xarunta madaxtooyada dowladda Federaalka, waxaana dadka waxyeellada soo gaartay kamid ah Xillibaanno, Wasiiro iyo Saraakiil katirsan dowladda.

Wasiirada ku dhaawacmay weerarka Istish-haadiga ah islamarkaana la xaqiijiyay waxaa kamid ah  Wasiirka Warfaafinta Maxa’ed Cabdi Xayir Maareeye, wasiirka Dekadaha Nuur Faarax, iyo wasiiru dowlaha Gaashandhiga oo la sheegay in dhaawac fudud uu soo gaaray.

Xillibaanada ku dhaawacmay Camaliyadda waxaa kamid ah Xillibaan Cabdalla Boos iyo Daahir Amiin Jeesow, inkastoo warka ku saabsan dhaawaca Xillibaan Jeesow aanu ahayn mid sugan.

AFahayeenka Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo ay soo xiganeyso Idaacadda Andalus ayaa sheegay in camaliyadaas ay ku dileen inkabadan 30 Ruux oo u badan ilaalada Madaxtooyada dowladda Federaalka.

Wariyaal ka howlgala idaacadda dowladda ayaa kamid ah dadka ku waxyeeloobay Weerarkii Hotelka SYL oo ahaa mid si aad ah looga hadal hayo magaalada Muqdisho.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.