Imaam Masjid oo lagu toogtay magaalada Newyork.
Dalka Maraykanka wararka ka imaanaya waxay sheegayaan in halkaas lagu dilay Imaam katirsan Imaamyada Muslimiinta ee dalka Maraykanka iyo qof la socday.
Imaamkan ayaa xilliga la tooganaya isaga iyo ninka la socday waxay kasoo baxeen masjid lagu magacaabo Al-Furqaan oo ku yaala mandiqadda Kuwuniz ee magaalada Newyork.
Qof hubeysan ayaa la sheegay in masaafo dhow uu ka toogtay labadan nin ee Muslimiinta ah, waxaaana markaas kadib uu si nabad geliyo ah uga baxsaday goobta.
Ciidamo katirsan Booliiska ayaa xilli dambe soo gaaray goobta uu ka dhacay weerarka, waxaana ay sheegeen ineysan garaneyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa weerarkan.