Indheer garadka muqdisho “nus malyan naga mid ah ayaa xabsiyada ku jira”
Kumanaan reer muqdisho ah ayaa xabsiyada ku jira kuwaaasoo ay xireen ciidamada shisheeye iyo dowladda federaalka ah.
Dadkaas badankood waxaa laga soo qabtay guryahooda iyo suuqyada ay ku ganaacsadaan kuwana waxaa la qabtay iaygoo goobahooda wax barashada u socda amaba ka yimid.
Xabbsiyada caasimaddu waxay ka dhigan yihiin suuq dadka lagu kala iibsado waxaana jira dad la sii daayay markii eheladoodu dhibeen lacago badan oo madax furasho ah.
Mid ka mid ah indheer garadka muqdisho oo sababo amaan aanu magaciisa u qarinay ayaa wareysi ay xalay la yeelatay Idaacadda Islaamiga ahe e Alfurqaan waxa uu kaga sheekayay dhibaatada caaasimadda ka jirta asigoo sheegay in nus malyan ama shan boqol oo kun ay dhan yihiin dadka maxaabiista ah ee waqtiyada kala duwan la xiray.