Indheer garadku sidee bay u arkaan qalalaasaha itoobiya ka jira?
Gudaha itoobiya waxaa ka socda dibad baxyo ay amxaaradu dhigeyso oo ay uga soo horjeedo tigreega oo xukunka haysta kuna adeeganaya ra’iisalwasaaraha maqaar saarka ah ee xeyla Maryam disaleen.
Maamulka itoobiya waa cadawga Soomaaliya iyo guud ahaan muslimiinta waxaana farxad laga dareemayaa dadka soomaaliyeed ee guusha iyo gobanimada jecel.
Indheer garad maxamed jimcaale khayre oo ay wareysatay idaacadda islaamiga ah ee alfurqaan ayaa sheegaya in soomaalidu iminka fursad muhiim ah haystaan loona baahan yahay in ay maamulka itoobiya sidii ay u dumi lahaayeen u istaagaan.
Wuxuu guud ahaan muslimiinta ugu baaqay midnimo iyo in ay cadawgooda afka ciidda u daraan.
Maxamed jimcaale ayaa ugu dambeyn muslmiinta gaar ahaan soomaalida u duceeyay gaaladana inkaaray.