Kamaal Guutaale” Bam Gacmeedkii 2012 Dhibka Nagu Hayay Hadda Waxaa Badaley Gawaarida Qarxaysa”(Maqal)

Guutaale iyo Gabre
Guutaale iyo Gabre

Kamaal Guutaale oo kamid ah hoggaanka xisbiyada Siyaasadeed ee Dalka  Lana soo shaqeeyay  dowladda Xasan Sheekh ayaa Dowladda Federaalka  ku diiday sheegashadeeda la xeriirta   in Ammaanka uu yahay mid soo hagaagaya.

Siyaasiyiinta ayaa aaminsan in dowladda ka quusatay Sidii ay wax kaga qaban lahayd  xaaladaha ammaan xumo Ee Muqdisho iyagoo tusaale usoo qaadanaya qaraxyada joogtada ka noqday Muqdisho.

“2012 waxaa dhib nagu hayay bam gacmeed balse hadda waxaa bam gacmeed noqday gawaarida qarxaysa”ayuu yiri Kamaal Guutaale.

Waxa uu sheegay Magaalooyinkii horay looga qabsaday alshabaab in hadda qaarkood ay la wareegeen shabaabka iyagoo ku laalaya degmooyin kale.

Kamaal Guutaale oo ah xog ogaal muddo lasoo shaqeeyay xafiiska madaxtooyada ayaa sheegay in xarakada Alshabaab iminka ay baacsanayaan dowladda iyo shisheeyaha islamarkaana aanan la wiiqin awoodooda.

Amisom ayuu sheegay inay ku jabtay saaxaadka dagaalka askar badana laga dilay.

Dhageyso Codka Kamaal Guutaale.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.