Kudhowaad 100 Ruux oo ku geeriyootay duqeymo ka dhacay dalka Suuriya.
Wararka ka imaanaaya dhulka Shaam ee barakeysan ayaa sheegaya in diyaaradaha Nidaamka iyo kuwa Ruushka ay duqeymo arxan darro ah ka geysteen xaafado iyo deegaano katirsan magaalada Xalab oo dhawaan kabaxday go’doonkii saarnaa todobaadyo xiriir ah.
Duqeymahan oo ka dhacay deegaanno iyo xaafado kala duwan oo katirsan Xalab ayaa gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dadka shacabka ah, waxaana Diyaaradaha Ruushku si ula kac ah u duqeynayeen Isbitaallada, suuqyada iyo goobaha Masaajidda oo dadku shalay ku oogeen Salaadda Jimcaha.
Goobaha Duqeymuhu ka dhaceen waxaa kamid ah xaafadda Al-Firdows ee magaalada Xalab, suuqa qudaarta ee deegaanka Awram Al-Kubraa oo dhaca galbeedka Xalab iyo xaafado kale kuwaas oo dhamaantooda dhaca gudaha iyo daafaha magaalada Xalab.
Dhimashada lahubo ayaa gaareysa 90 ruux oo ay ku jiraan Caruur aad u da’yar, waxaana kamid ah dadka dhintay Haweeney kalkalaiso ah oo lagu duqeeyey Isbitaalka Dhalaanka ee ku yaala deegaanka Kufur Xamra ee dhaca wuqooyiga magaalada Xalab.
Duqeymaha oo soconayay saacado xiriir ah ayaa yimid kadib markii ciidamada Nusaryiyada iyo kuwa shiicada ay ku guul darreysteen iney soo jiiraan difaacyada Mujaahidiinta ee xaafadda Raamuusa, waxaana halkaas looga dilay Maleeshiyaad farabadan, waxaana guul daradaas kadib ay door bideen iney ka aargutaan dadka shacabka ah ee lagu laynayo Islaamnimada darteed.