Macrakada Xalab oo gashay marxaladeedii ugu adkeyd, iyo guulo waaweyn oo Mujaahidiintu soo hooyeen.
Wali waxay magaalada Xalab marti gelineysaa dagaallo kulul oo dhexmaraya Mujaahidiinta oo kaashanaya kuwa kacdoon wadayaasha, iyo Maleeshiyaadka Nidaamka Suuriya oo dhankooda taageero kala duwan ka helaya dowladaha Iiraan iyo Ruushka, waxaana dagaalka Xalab uu galay marxaladii saddexaad oo ah tan ugu adag islamarkaana haddii ay guuleysto go’doonka uu kaga qaadmayo Xalab.
Ciidamada Mujaahidiinta ee ku mideysan Jayshul Fatxi ayaa gelinkii dambe ee shalay waxay weerarro xoogan ku qaadeen Kulliyadda madaafiicda ee dhacda xaafadda Al-Raamuusa, waxaana bilowga macrkada camaliyad Istish-haadi ah ku furay mujaahid katirsan Jabhadda Fatxu Shaam, waxaana markaas xigay iqtixaam ay sameeyeen Mujaahidiinta kuwaas oo ku guuleysteen iney ka gudbaan albaabka koowaad iyo kan labaad ee Kulyadda Madaafiicda ee ciidamada Nidaamka.
Saraakiisha hogaamineysa Macrkada Xalab ayaa sheegaya in macrakadu gashay halkii ugu adkeyd islamarkaana Mujaahidiintu ka go’antahay iney sii wadaan iilla go’doonka ay ka qaadaan magaalada Xalab, waxaana dadka ka hadlay kamid ah amiirka Jabhadda Fatxu Shaam kalimadiisa oo faafaahsana waxaan idin kugu so gudbin dooonaa warka Duhur Inshaa Allah