Madixii hore ee Sirdoonka Yahuudda oo sheegay in Yahuuddu cagta saareen Dhabbihii Burburka.

820163182932905

Iyadoo maamulka Yahuudda ee xooga ku heysta dhulka Muslimiinta ee Filastiin uu yahay maamul gacan ku rimis ah oo ay aas-aaseen dowladaha Reer Galbeedka ayaa hadana waxaa Siyaasiyiinta Yahuuddu rajo xumo baahsan ka muujinayaan jiritaanka maamulkan.

Madixii hore ee Sirdoonka Yahuudda Tamir Bardo ayaa markii ugu horeysay oo uu kasoo muuqdo Iclaamka tan iyo bishii Julay oo uu shaqadaas isaga tagay ayuu sheegay in Yahudu cagta saareen wadadii kala qaybsanaanta iyo burubrka.

Siyaasigan oo ka hadlayay kulan lagu xusuuanayay ciidamadii Yahuudda looga dilay dagaalkii Lubnaan ayuu sheeegay in halista ugu badan ee Yahuudda haatan wajaheysa aysan ka imaaneynin dhanka Iiraan balse wuxuu sheegay iney ka imaaneysa kala qaybsanaanta Yahuudda dhexdooda ah.

Wuxuu sheegay Bardo inuu ka cabsi qabo in mar dhow uu qarxo dagaallo sokeeye oo u dhexeeya Yahudda dhexdooda, isagoona sheegay in arinkaas uu yahay mid aad loo filanayo oo aan fogeyn dhicitaankiisa.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.