Magaalada Banqaazi oo dagaallo xoogan marti gelisay.
Maalintii shalay waxaa dagaallo xoogan ay ka dhaceen magaalada Banqaazi ee dalka Liibiya kuwaas oo u dhexeeya ciidamada Mujaahidiinta iyo maleeshiyaadka Khaliifa Xaftar kuwaas oo doonaya in maggaalada ay ka saaraan Mujaahidiinta balse awoodi la’.
Dagaalka oo ahaa mid ay ka qayb qaadanayaan diyaaradaha dowladda Faransiiska iyo kuwa Xaftar ayaa waxaa lagu sooo waramayaa in ciidamada Xaftar ay ku guul darreysteen hadafkii ay lahaayeen oo ah iney deegaano cusub kula wareegeen, waxaana taas caksigeeda Mujaahidiintu qabsadeen difaacyo horey ugu sugnaayeen maleeshiyaadka Xaftar.
Miinooyinka dhulka lagu aaso oo Mujaahidiintu si aad ah u isticmaalaan ayaa carqaladeeyey Taqadumka ay damacsanaayeen maleeshiyaadka Khaliifa Xaftar, waxaana Mujaahidiintu dagaalkii shalay ku dileen 38 Askari oo katirsan maleeshiyaadka Xaftar.
War kasoo baxay markakazka warfaafinta ee Mujaahidiinta Banqaazi ayaa lagu sheegay in Mujaahidiintu gaareen guulo hor leh iyagona gacanta ku dhigay hub iyo saanad Militeri oo dowladda Masar ku wareejisay maleeshiyaadka Xaftar.
Diyaaradaha Faransiiska ayaa si indha la’aan ah u duqeeyay xaafadaha dadka shacabka ah deganyihiin, waxaana mid kamid ah duqeymahaas ku shahiiday haweeney halka ay ku dhaawacmeen caruurteeda, waxaaana sidoo kale jira masjid dumay kadib markii Gantaal ku riday diyaarad Faransiis ah, waana mash-had ku tusaya dagaalka socoda inuu yahay mid u dhexeeya Kaniisadaha iyo Masaajidda.