Maraykanka oo Muwaadiniintiisa kaga Digay inay usafraan Itoobiya.
Dowladda Maraykanka ayaa muwaadiniinteeda kaga digtay inay u safraan Dalka Itoobiya Gaar ahaan Gobalada Ay ka socdaan Kacdoonka Ka Dhanka ah Tigreega Maamula Dalkaasi.
War Qoraal ah oo kasoo baxay waaxda arimaha dibada Maraykanka ayaa shacabka Maraykanka lagula taliyay inay ka fogaadaan meelaha ay ka socdaan rabshadaha u dhexeeya dibadbaxayaasha iyo ciidamada ammaanka dowladda Gaar ahaan inta badan gobolada ay degaan Axmaarada iyo Oramada.
“Adeegyada telefoonka iyo internetka oo Dowladda ay koobtay sababo ku aadan dibadbaxyadii udanbeeyay ayaa safaarada Maraykanka Itoobiya usaamaxayn inay la xeriirto muwaadiniinta dalka jooga”ayaa Lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Waaxda Arimaha Dibada Maraykanka.
Dowladda Itoobiya ayaa ku guul daraystay inay xakamayso kacdoonka oo umuuqda mid ku fidaya Dalka.
Waxa ay xukuumada Cadaadis saaraysa Warbaahinta Maxaliga ah iyo kuwa shisheeye ee doonaya inay tabiyaan isku soo baxayaasha.
Tan iyo bilowgii Bishii August, xukuumadda ayaa laba jibaartay cadaadiskeeda ka dhanka ah Warbaahinta.
8 ilaa 9 August saddex wariye oo ajnabi ah ayaa la qabtay oo la xiray iyagoo ku sugan degaanka Arsi Negele ee gobolka Oromia, sida uu sheegay ururka Wariyayaasha Dibadda ee Itoobiya,
Horaantii bishan ciidamada ammaanka waxa ay dileen ku dhawaad 100 qof oo ku nool Itoobiya kadib saddex maalmood dibad baxyo rabshadada wata, sida ay sheegtay Amnesty International, kooxaha mucaaradka iyo dadka deegaanka.
Dowladda Itoobiya ayaa ku eedeysay mucaaradka gudaha iyo dibadda dalka kaga sugan qabanqaabada isku soo baxayasha iyado ciidamadeeda ugu baaqay inay ka hortagaan isku soo baxayaasha kacdoonka wada.
Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay dadka dibadbaxyada wada qaarkood ay wataan hub halis ah, oo ay ku jiraan waxyaabaha qarxa. Balse madaxda mucaaradka ayaa dafiray eedeymaha sheegaya in dibad baxayaashu ay adeegsada hub.