Maxay heshiis ku yihiin xasan sheekh iyo madaxda maamul gobaleedyadu? (Wareysi)
Cabdulaahi cali xagaley oo ah aqoon yahan falanqeeya arimaha soomaaliya ayaa ka hadlay waxa loogu yeero doorashada dad ban taasoo waqtigeedii dib uga dhacday.
Waxa kaloo uu ka hadlay waxyaabaha ay heshiiska ku yihiin xasan sheekh maxmauud madaxweynaha dowladda federaalka ah iyo madaxda maamul gobaleedyadu.
Wareysi ay la yeelatay idaacadda islaamiga ah ee alfurqaan ayuu cabdulaahi cali xagaleey uga sheekeeyay danta ay leeyihiin xasan iyo kuwa ay is af garteen asigoo tilmaamay in ay dacaad u yihiin shisheeyaha ayna raali asiga yihiin qancinta kuwa fara gelinta ku haya soomaaliya.
Wax yar ayaa ka haray waqtiga dowladda federalaka ah inkastoo muddo kooban in lagu daro ay isku af garteen xasan iyo madaxda maamulada kale si aanuu boosku u banaan hadana ma muuqdo qorshe hufan oo dowlad kale lagu dhisayo.